mid ka mid ah
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid ka mid ah
num-expr: one (of several), one kind ~ type of
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid la mid ah
the same as; similar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelaale
(Aleelaala-ha)
Jaadadka dibqallooca mid ka mid ah, oo aad u weynaada, oo xubnaha dabada iyo oogada qaarkeed midabyo ku yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badweyn
(Badweyn-ta)
1. Bad weyn oo xeebta ka fog.
2. Badda qaybaheeda waaweyn oo shanta ah, mid ka mid ah (Badweynta Atlaantik, Badweynta Deggan, Dadweynta Hindi, Badweyn-Barafta Woqooyi iyo Badweyn-Barafta Koofure).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banban
(Banban-ka)
Hubka lagu dagaallamo mid ka mid ah; lugaa loo mudaa kolkiibana, xabbado aad u badan baa ka dhaca; boobe (ama bamban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqal
1. (Baqal-ka, Baqa-sha) Gammaanka jaad ka mid oo geenyada iyo dameerku iska dhalaan.
2. (Baqal-ka) Cagcagaarka la cuno mid ka mid ah; bagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barni
(Barni-da)
Jaadadka timirta mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bood
1. (Bood-da) Hab dharka loo mayro oo loo caddeeyo.
2. (Bood-ka) Midabyada fardaha mid ka mid ah: caddaan cawl yari ku dheehan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bullo
(Bulla-da)
1. Cayaaraha waaweyn oo Soomaalidu tumato mid ka mid ah.
2. Midab (fardo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buntukh
(Buntukh-a)
Hubka dabka mid ka mid ah oo gacanta lagu qaato. Wuxuu lee yahay dhuun dheer oo afkeeda xabbaddu ka baxdo oo gudaha ku leh xarriiqo qodan oo maroorsan oo xabbadda la ridayo siiya xoog sida kiriiriga u wareegaya iyo dheerayn iyo weliba sugnaan iyo meel fog gaarid; qori; (ama bunduq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buud
(Buud-ka)
Jaadadka doonyaha mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buun
(Buun-ka)
1. Bocool weyn ama dhuun dheer oo kolkii la afuufo dhawaaq dheeri ka soo baxo.
2. Qalabka cayaaraha mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawaweer
(Cawaweer-ka)
Libaax-badeedka waaweyn mid ka mid ah.|
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saco
(Saca-ha)
(xiddigo) Cuntubyada xiddigaha kuwa ugu cadcad mid ka mid ah; waxay ku yaalliin lixaha iyo cadaadka agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogeyn; waxaa lagu sheegaa ninkii diley hashii Nebi Saalax oo cirka lagu salbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbab
(Sanbab-ka)
1. Mid ka mid ah labada xubnood oo hunguriga cadi isu hayo oo sida buufimada neeftu gasho kana baxdo.
2. (xoolo) cudur xun oo sanbabbada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sariir
(Sariir-ta)
1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu kor seexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro.
2. Salka weelka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeseemmane
(Seeseemmana-ha)
Kalluunka badda mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexaari
(Seexaari-da)
Jaadadka timirta mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanis
(Shaanis-ka)
Cayaaraha turubka mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabaag
(Shabaag-ta)
Alaabada kalluunka lagu qabto mid ka mid ah oo ka samaysan xargo dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada il ah; (ama shamaag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shanbal
(Shanbal-ka)
Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mid_ka_mid_ah
de: one (of several), one kind ~ type of
lx: mid ka mid ah
ps: num-expr
key: mid_ka_mid_ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mid_la_mid_ah
de: the same as; similar
lx: mid la mid ah
ps: expr
key: mid_la_mid_ah
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dil kama' ah
(n) manslaughter (maan-is-lootar)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mede or midian
Kalabayr dhexe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midba midda kale
(pronoun) each other; one another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhamadaw
-da: (magac, dhedig, keli) geed buurleyda ka baxa oo bixiya midho qadhaab ah oo wanaagsan. Casakori iyo midhamadaw haddaad isku hesho daldalo uun.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sida caadiga ah
(adv) usually (yuush-wali); habitually (habij-wali); as usual; often (o-fan) ~ badanaa
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XUBIN KAALIN AH
Membro supplente
Alternate member